Ammaanka guud ee Garoowe oo la adkeeyay iyo Munaasabada saaka socanaya.
Bartamaha(Garoowe):- Ammaanka guud ee Caasimada Dowlada Goboleedka Puntland ayaa saaka la adkeeyay halkaasi oo maanta laga xusayo aas aaska Dowlad goboleedkaasi Puntland.
Amniga guud ee Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay halkaasi oo dhammaan wadooyinka lagu soo daadiyay Ciidanka ammaanka oo la socanaya dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka Magaaladaasi garoowe.
Ciidamada ayaa waxa ay gudaha ugu jiraan xaafadaha magaalada iyagoo baaraya qof walba oo ku dhaqdhaqaaqaya gudaha magaalada si ay u adkeeyaan amniga guud waxaana aad u yaraaday dhaqdhaqaaqa gaadiidka rayidka.
Dhanka kale Munaasabada balaaran oo lagu xusayo 12-guuradii ka soo wareegtay maalintii la aas aasay Dowlad goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland oo ku aadanayd 1/august/1998 xiligaasi oo si toos ah loogu dhawaaqay maamulka Puntland.
Masuuliyiinta sare ee maamulka ayaa lagu wadaa in ay hadalo ka jeediyaan munaasabada maanta ka dhacaysa magaalada garoowe Ee Dowlada Goboleedka Puntland iyadoo shacab fara badan ay munaasabada ka qeybgalayaan.
Wixii ku soo kordha Munaasabada kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments