Ammaanka guriga Umada oo saaka la adkeeyay iyo Suuqa Bakaaraha oo haawanaha.
Bartamaha(Muqdisho):-Ammaanka Xarunta ay maanta ku shirayaan Baarlamanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo saaka aanay jirin cid u dhaqaaqday Suuqa Bakaaraha.
Ammaanka guud ee Wadooyinka gala Xarunta Golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la arkayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo xeray wadooyinkaasi.
Ciidanka Amisom ayaa la soo baxay Taangiyada Dagaalka iyagoo xeray wadooyinka soo gala Xarunta Golaha Shacabka oo maanta shirka Baarlamanka uu ka dhacayo.
Ciidanka Dowlada ayaa waxa ay dhagaxyo ku xereen dhammaan wadooyinka u dhow Golaha Shacabka iyagoo baaritaan adag marsiinaya gawaarida ay wataan Xildhibaanada.
Dhanka kale Shacabka Magaalada ayaa galay dhufaysyo adag iyagoo isaga fogaaday Suuqa Bakaaraha iyo hareeraha Golaha Shacabka oo laga baqanaayo in la isku weydaarsado Madaafiic.
Dad badan ayaa saaka isaga fogaaday Suuqa Bakaaraha waxaana Haawanaha dhammaan suuqaasi oo aanay jirin saaka cid isku dhex salaantay maadaama dadka ay barteen Madaaficda aan arxan la’aanta ah.
Sidoo kale waxaa laga barakacay Saaka Xaafadaha Ceel-gaabta iyo agagaarka Isgoyska Dabka oo shacabkii daganaa ay isaga fogaadeen inta uu socanayo kulanka.
Shacabka ayaa waxa ay yihiin kuwa ka baqanaya duqeynta la isku dhaafsado xiliyada ay dhacayaan MNunaasabadaha ama shirarka Baarlamanka oo xiligaasi ay Madaafiic ku soo tuuraan Mucaaradka Jawaab culusna ay ka baxdo dhanka Dowlada.
Wixii ku soo kordha Xasalada Muqdisho kala soco www.Bartamaha.Com
Comments
comments