Amisom oo qiratay qasaaraha ka soo gaaray Dagaalkii Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Sargaal u hadalay Ciidamada Amisom ayaa qiray qasaaraha ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Sargaal u hadlay Amisom oo waraysi siinayay Wakaalada Wararka Reuters ayaa shaaca ka qaaday in Askar ay ugu dhinteen Magaalada Muqdisho kuwa kalana dhaawac uu ka soo gaaray.
Sargaalkan ayaa sheegay in 2-Askari looga dilay dagaalkii dhacay 5-kalana dhaawac uu soo gaaray waxa uuna sidoo kale cadeeyay in Laba gaari looga gubay dagaalka.
Sargaalkan waxa uu sheegay in qasaarahaasi aanu ahayn mid saamayn ku yeelanaya shaqada ay ka wadaan dalka waxa uuna balan ku qaaday in ay sii wadayan dagaalka kala dhexeeya Al-Qacida iyo Alshabaab.
Hadalka Sargaalkan ayaa imaanaya xilli Alshabaab ay soo bandhigeen sawirada gawaarida ay ka gubeen Ciidanka Amisom oo qasaaraha uu ka soo gaaray dagaalkii Khamiiskii ka dhacay Caasimada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments