Amisom oo maanta lagu qarxiyay Muqdisho iyo Shabaabka oo sheegtay masuuliyada qaraxa.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Amisom ayaa maanta lagu qarxiyay Magaalada Muqdisho iyadoo qasaara uu ka soo gaaray qaraxa Maanta lala eegtay.
Qaraxa Miino ayaa waxa uu ahaa mid lala eegtay askarta Amisom xili ay lugaynayeen wadada Sheelare Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa haleelay Ciidanka oo wadada lugaynaya waxaana halkaasi qasaara xoogan uu ka soo gaaray Ciidamada Amisom oo askar badan oo lugaynaysay ay waxyeela gaartay.
Afhayeenka Amisom Breidge Bhuko ayaa qiray in askari uu uga dhintay qaraxaasi Miino oo maanta lala eegtay Ciidankooda oo marayay wadada ka soo baxda Dakada Magaalada Muqdisho.
Cap.Bhuko ayaa beeniyay in askar badan ay uga dhimatay qaraxa balse waxa uu qiray in 1-askari uu ka dhintay qaar kalana dhaawacyo fududu uu ka soo gaaray qaraxaasi Miino.
Dhanka kale saraakiil shabaab ah ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in qaraxaasi ay la beegsadeen Ciidanka Amisom qasaarana ay ugu geysteen sida uu sargaal shabaab ah sheegay.
Qaraxa ayuu sheegay in ay ciidanka qaraxyada ee Alshabaab ay masuul ka ahaayeen kuwaasi oo si taxadar leh ula beegsaday Ciidamadaasi Amisom.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments