AMISOM oo ku tilmaantay dilalka qorshaysan inay yihiin kuwo lagu hor istaagayo ammaanka dalka
Taliska AMISOM ayaa ka hadlay dilalkii qorsheysna ee ay Al-shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada kale ee dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in weerarradaas ayyihiin kuwo la doonayo in wax loogu dhimo amniga dalka ee soo hagaagay.
Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id qabtay maanta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilalka qorsheysan ee loo geysanayo qaybaha bulshada, kuwaasoo uu ugu dambeeyay afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo shalay lagu dilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Afhayeen ayaa shacbiga ka codsaday inay gacan ka siiyaan sidoo loo soo qaban lahaa kuwo weerarada lagu naafaynayo shacabka ka gaysta magaalooyinka dalka.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.