read more »">

Calendar

AMISOM oo ka qaybgalaysa dagaalka Muqdisho

ugandan-africa-union-au-peacekeepers-patrol-the-international-sea-port-in-mogadishuUrurka Midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday in ciidamadooda ku sugan Muqdihso ay dagaal la geli doonaan mucaaradka iyagoo taageera dowlada Somalia, si xukuumada looga badbaadiyo afgambi.

Wakiilka Midowag Afrika ee arimaha Somalia Mr. Necolas Bwakira ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay [May 15] warfidiyeenka ugu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

“Lama aqbali karo in xubno ajbani ah oo gacansaar la leh Al-Qaacida iyo kooxda mayalka adag ee Al-shabaab ay la wareegaan talada Somalia” ayuu yiri Bwakira oo intaas ku daray in ciidamadooda [AMISOM] aysan ka baxayn Muqdisho.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay kusoo ururtay deegaano kooban oo Muqdisho ku yaala, mucaaradkuna ay isku balaarinayaan Muqdisho iyo gobolada dalka, taasoo ka dhigan buu yiri in kooxo xag jiriin ah ay dagaalka lug ku leeyihiin.

“Fariimaha aan hayno waxay xaqiijinayaan in 300 ilaa 400 oo ajnabi ah ay dagaal kala horjeedaan xukuumada Somalia, iyagoo gacan siinaya Al-shabaab & Xisbul Islam, iyagoo dagaalyahanadooda bara xirxirida hubka iyo miinooyinka” ayuu yiri Bwakira.

Wakiilka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ciidamada AMISOM ay kaga soo baxayaan Muqdisho xiligii ay culumadu u qabtay ayaa yiri: “Hadii ciidamadeena aan kasoo saarno Somalia, taasi macnaheedu waa inaan dalka gacanta u gelinayno argagaxiso”.

Mar uu ergaygu ka hadlay ku siqida kooxaha mucaaradka goobaha ay AMISOM gacanta ku hayaan ee Muqdisho ku yaala, ayuu sheegay inay ciidamadoodu haystaan amar ah inay iska difaacaan cid walba oo soo weerarta.

“Eritrea waxay ku taageertay hub iyo saanado ciidan kooxaha mucaaradka ah, taasoo ka dhigan inay gacan siinayso argagaxisada Somalia” ayuu mar kale yiri Bwakira oo intaas dabodhigay:

“Difaacida dowlada Somalia waxaan u adeegsanaynaa ciidamada Afrika, haddii loo bahdana waxaan u kaashanaynaa kuwa caalamka, waayo waa lagama maarmaan in la difaaco dowlada la aqoonsan yahay”.

Ahmedou Ould-Abdallah oo isaguna shalay [May 15] shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in UN-ku uu si weyn uga walaacsan yahay hubka ay Eritrea ku daadgureynayso Somalia.

Ergayga UN-ku wuxuu sheegay inuu wado qorshayaal uu liiska argagaxisada uga saarayo xubno Islaamiyiin ah, balse ma uusan carobaabin, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalada ka socda Muqdisho ay qayb ka yihiin argagaxiso.
“Waxan cadeynayaa inaan wado qorshe aan liiska argagaxisada ee Mareykanka uga saarayo xubno Islaamiyiin ah oo dowlada ka horjeeda, waxaase ku xiran shuruud ah inay dib u heshiisiinta ka qaybqaadanayaan” ayuu yiri Ould-Abdallah.

Sidoo kale; wuxuu carabka ku dhuftay in xubnaha ku jira liiska argagaxisada ee UN-ka uusan awood u lahayn inuu ka saaro, isagoo xusay inaysan safri karin, xil Madaxweyne iyo mid Ra’iisul wasaarana aysan Somalia ka qaban karin.

Magaalada Muqdisho oo maanta maalintii labaad daggan hadana waxaa jira xiisado cusub oo dagaal, iyadoo dagaaladii hore ay ku dhinteen 130-qof, ayna ku dhaawacmeen 420-qof; kuwaasoo lagu daweynayo Isbitaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: