Amisom oo isku balaarisay Xaafado ka mida Degmada Hodon Ee Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Ciidanka Amisom ayaa isku balaariyay xaafado ka mida Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo muddo ay saldhigya badan ku lahaayeen Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Ciidan ka mida Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Burundi ayaa xalay toos isugu balaariyay saldhigyo badan oo ku yaalay Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho ka dib markii muddo dheer ay maamulayeen Islaamiyiinta.
Ciidankan ayaa shalay galab gaaray Ex-Isbitaalkii Xooga Dalka ee Degmada H0don halkaasi oo ay saldhig weyn ku samaysteen wallow lagu soo dhaweeyay Hoobiyayaal iyo weerar ka yimid dhanka Maleeshiyaadka Xizbul Islaam oo daganaa Terbuunka.
Dagaal xoog badan ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Xaafadaha Degmada Hodon waxaana Ciidanka Amisom ay isku fidiyeen xaafadaha Degmadaasi sida Digfeer oo dhawaan ay dageen,Shalay oo ay dageen Isbitaalkii Xooga, xaafadaha Soona K illaa Kuliyadii Jaale Siyaad oo ay isku xerteen Ciidankaasi Amisom.
Waxaa saaka laga maqlayay agagaarka warshadii Caanada rasaas culus oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka Amisom iyo Islaamiyiinta dagan aagagaasi iyadoo fagaaraha Terbuunka xalay uu dagaal ka qarxay.
Isku soo duub lama garanayo qasaaraha ay isku gaysteen labada dhinac ee dagaalka u dhexeeyay xalay illaa saaka aroortii hore wallow askarta Amisom ay awood ku dageen dhammaan dhulkii ay doonayeen in ay qabsadaan.
Ciidanka Nabad Ilaalinta u jooga dalka Ee Amisom ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ay isku balaarinayeen Magaalada Muqdisho iyagoo horay u dagay degmooyin badan Sida Woqooyiga Muqdisho iyo Dharkenley oo saldhigyo waaweyn ay ku samaysteen.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments