Amisom oo gaari dagaal looga gubay Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Xilli shalay jidka warshadaha uu ka dhacay dagaal xoog badan oo sababay in wadadaasi ay xeranto ayaa waxaa soo baxaya in Ciidanka Amisom looga gubay gaari dagaal.
Sida ay sheegteen saraakiisha shabaab Muqdisho waxaa gaari nuuca dagaalka looga gubay Ciidanka Amisom gudaha Magaalada Muqdisho ka gadaal markii dagaal xoog badan uu ka dhacay caasimada.
Afhayeenka dhanka dagaalada Ee Al Shabaab Sheekh C/casii Abuu Muscab oo saaka saxaafada la hadlayay ayaa daaha ka qaaday in ay weerar ku qaadeen wadada warshadaha saldhigyada Amisom ku leeyihiin oo ay jab iyo halaag gaarsiiyeen.
Afhayeenka waxa uu xusay in weerarkaasi uu sababay in gaari nuuca dagaalka ay Alshabaab ka gubaan Ciidanka Amisom waxaana uu ku faanay in guushaasi ay soo hooyeen rag uu ku magacaabay Mujaahidiinta.
“Gaari ayaan ka gubnay waxaana ku kalifnay in ay xerada ka soo bixi waayaan…qof walba oo wadada taga ayaa arki kara garaiga ka gubtay oo illaa xalay ay ka jiidayeen jidka bartankiisa si ay u qarsadaan jabkooda…..” ayuu yiri masuulka shabaabka ah.
Waxaa saaka dib u furantay wadada Warshadaha Muqdisho oo shalay ku xerantay dagaalka ka dhacay jidkaasi iyadoo dad badan ay saaka awood u yeesheen in ay isaga gudbaan magaalada xuduud wadaagta noqotay Ee Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments