Amisom oo dhufaysyo ka samaysatay hareeraha Madaxtooyada.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Amisom ayaa wada dadaalkii ugu dambeeyay si ay u difaaacaan Madaxtooyada Qaranka oo Alshabaab ay u soo gurguuranayaan.
Ciidanka magaca Nabad ilaalinta ku jooga Magaalada Muqdisho Ee Amisom ayaa sameystay dhufaysyo adag si aan looga qabsan Xarunta Villa Somalia oo aad moodo in dagaaalka uu ku soo biya shubtay.
Waxaa maanra Madaxtooyada la geynayay gawaari ay ku rarnayd Ciid iyo Jawaanada Ciida ay ku shibtaan Amisom iyo dhagaxyada adag oo Amisom ay ka dhigato difaaaca gawaarida ismiidaaminta.
Ciidanka Amisom waxa ay dageen dhismayaasha madaxtooyada ku dhowdhow iyadoo dhowr taangi geeyay wadada Boondheere iyo Jidka Daljirka Daahsoon iyo dhismihii Ex-Baarlaman.
Alshabaab ayaa shalay sheegtay in ay qabsanayaan maalmaha soo aadan Madxtooyada Villa Somalia waxaana taasi ka jawaabaay Afhayeenka Amisom oo sheegay in ay difaacayaan.
Dhaqdhaqaaqa maanta socanayay waxa uu u muuqanayay mid ay ku difaacayaan Amisom Xarunta Madaxtooyada waxaana laga yaabaa in ay difaacooda ku ekeeyaan hareeraha Madaxt
Â
Comments
comments