Calendar

Amisom oo beenisay Hadal Shabaabka ka soo yeeray oo sheegayay qarax ay ku dileen Saraakiil sar sare .

buhuboBartamaha(Muqdisho):-Saraakiisha Ciidamada Amisom oo wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal Xalay ka soo yeeray Alshabaab oo sheegayay in ay qarax ka sameeyeen Gudaha Xarunta Xalane.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa Bridge Bhuko ayaa shaaca ka qaaday in aanu jirin wax qarax ah oo lagu soo weeraray Ciidamada Amisom ee dagan Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho.

Bhuko ayaa sheegay in qaraxa uu Afahyeenka Shabaabvka sheegay uu yahay mid raya ah ama uu dhahay qof marqaansan sida uu hadalka ugu dhawaaqay Afahyeenka Amisom.

Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa intaasi ku daray in Saraakiisha Amisom ay nabad qabaan islamarkaana aanay jirin wax dareen ammaan dara ah oo la soo derestay .

Warar ka madax banana Shabaabka iyo Amisom ayaa sheegaya in dhawaqa qaraxa uu yahay mid jiray islamarkaana dadka dagan hareeraha garoonka Muqdisho ay xaqiijinayaan dhawaqa qaraxaasi oo ay ka maqleen gudaha Xarunta Xalane.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: