Amisom “Askar ayaa nalooga dilay Madaxtooyada….”.
Bartamaha  (Muqdisho):- Sargaal u hadlay Ciidanka Ugandha oo ka mida Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga Muqdisho ayaa qiray in Askar looga dilay dagaalkii ay ku difaacayeen Madaxtooyada Soomaaliya.
Afhayeenka guud ee Ciidamada Ugandha  Filx kulayigye oo la hadlayay wargayska New Vision ee ka soo baxa dalka Ugdnaha ayaa shaaca ka qaaday in Askar looga dilay dagaal ay ku difaacayeen Villa Somalia madaxtooyada Dowlada Kmg ah.
Filx kulayigye waxa uu qiray in Askar looga dilay dagaalka ka dhacay Villa Somalia iyo hareeraheeda xilli ay Ciidanka doonayeen in ay iska difaacaan dagaalada ka dhanka ah oo ay Mucaaradka ku soo dhawaadeen Madaxtooyada Soomaaliya.
Afhayeenka waxa uu sheegay in Laba Askari looga dilay dagaalkii Arbacadii ka dhacay hareeraha Villa Somalia isagoo xusay in mid ka mida Ciidanka la dilay lagu magacaabi jiray Ismaaciil taasi oo muujinaysa in uu ahaa nin haysta Diinta Islaamka.
“Askar ayaa nalooga dilay Madaxtooyada iyagoo difaacaya markii Kooxaha Mucaaradka ay aad ugu soo dhawaadeen Villa Somalia oo ay Amisom qaabilsantahay ammaan ahaanteeda …taas ayaa sahal ka dhigtay geerida askartaasi oo dadaal ay ku difaacayeen madaxtooyada ay ku dhinteen,…….” ayuu yiro Afhayeenka Guud ee Ciidanka Ugandha.
Askarta Amisom looga dilay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho ayaa dhaawacaysa Howlgalada ay ka wadaan Magaalada Caasimada ah waxaana jiray dagaalka in ay dowr ah ka cayaareen Ciidanka Burundi oo aan la garanayn waxa ka soo gaaray dagaalkaasi.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments