Amina Muse “INTA NABADI DHALANEEYSO, AMA AAN KA DHIMAANAAYO,DHIGI MAAYO ASAAYDA!!!(Daawo Sawirada).
Bartamaha (London):-Aamin Muuse Wehliye oo ahayd Suxufiyad caan ah ayaa si  dhab ah u qaaday Asyada markuu 10-Sano ay ku noolayd magaalada Lodon ee Dalka Britain.
Aamina Muuse Wehliye ayaa saaratay Ganbada ama Asayda markii ay u dul qaadan waysay dhibaatada dalka Soomaaliya ka taagan oo ay ka maqnayd dalka Muddo 10-Sano ah oo dibad joog ay dalkeeda ka ahayd.
Aamina ayaa waxa ay samaysay Olole ay ugu magacdartay ‘’Ololaha Hangasho’’ oo ay shuruuda uga dhigtay qodobadan:-
1. In lala yimaado niyad aan kala reebad, tuhun, iyo lugooyaba wadan.
2. In haweenku saartaan HANGAL ama ASAAY sida midabkeeda lagu yaqaan ah CADAAN, kuna dabooshaan, timaha, qoorta, garbaha ama inta badan qaarka sare, dharka kale wuxuu noqonayaa mid caadi ah, oo midabkuu doonana leh.
3. In ka gashadu meel kasta iyo goor kasta oo la joogaba muujiso, jiritaanka ololaha HANGASHA.
4. In ka qeygalayaashu ololahani ku midoobaan soomalinimada, islaanimada iyo walaaltinimada.
6. In aan lala imaan niyad qabiil, qolo, iyo afkaar gaar ahi ka guuxeyso, inta ololahani socdo.
7. In aan laga gamban cidii wada wax hadafka ololaha ka duwan ama faafineysa, kana been abuuraneeeysa ujeedada saafiga ah ee ololaha HANGASHA.
8. In la soo dhaweeyo cid kasta oo muujisa yididiillo iyo niyad ay dooneyso in ay wax kaga qabato dhibaatada wadankeena iyo dadkeena soomaliya ku habsatay.
9. In ka qeygalayaashu, mdunaanta koowaad siiyaan,sidii ujeedadda ololahani ku fuli lahayd, una gaari lahayd dhamaanba dadka soomaliyeed meel kasta ooy joogaanba.
10. In dumarka asaaydan saaranaya, aynaan ka tanazulun qurxdooda kale ee dumarnimo, maadaba aneey ahayn asaaydii la yaqaanay, oo ay u banaan tahay wixii aan ka ahayn, maradaas cad ee la hagooganayo, oo iyaduna ujeedo leh, balse ay inta kale xiran karaan, marsana karaan wixii quruxdooda gabar nimo kaalmeeynaya islaamimadana aneey uga fogaaneynin, ooy horey u isticmaali jireen, oo ololuhu noqon mid dulli iyo foolxummo u soo jiidda quruxda haweenka ka qeygalaya.
Aamina ayaa waxa ay Ololahan ka furtay Magaalada Lodon oo ay dagantahay waxaana ay daaha ka rogtay in ay sugayso Nabada Soomaaliya ama ay sidaasi u saarnaan doonto Asyda( Madaca Cad).
Ololahan ayaa durbaba waxaa ku biiray Suxufiyiin kale oo da’yar sida Maryan Saylac C/risaaq oo xeratay Asayda iyo Hamlo soomaaliyeed oo taageeray fekerka Cusub ee Aamina Muse.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Geeska Afrika.
E_Mail:-[email protected]
Comments
comments