Amiirka Alshabaab oo fariin Hambalyada Ciida iyo sii wadida Dagaalada soo diray.
Bartamaha(Muqdisho):-Amiirka guud Ee Kooxda Alshabaab oo soo diray fariin maqal ah ayaa uga hadlay arimaha dalka Soomaaliya iyo dagaalada ay ka wadaan gudaha Dalka.
Amiirka Guud Ee Xarakada Alshabaab Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Subayr ayaa sheegay in Ciidama Alshabaab ay xilli waliba u diyaarsanyihiin siii wadida dagaalada dalka Soomaaliya.
Abuu Subayr ayaa waxa uu ku baaqay in aan marnaba laga soo laabay dagaalada lagula jiro Koox uu Cadow u yaqaano oo ah Amisom iyo Dowlada KMG ah isagoo sheegay in ay ku dhiiranayaan dagaaladaasi.
Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Subayr ayaa waxa uu wacad ku maray in ay dagaalada Soomaaliya ay sii wadayaan tan iyo inta dalka oo dhan looga xukumayo Shareecada Islaamka.
Ammiirka Shabaab ayaa waxa uu Tix gabay ah ku cabiray sida ay Kooxda Alshabaab shaqada u wadaan iyo qaabka ay u taageersan yihiin Bulshada Soomaaliyeed isagoo ku faanay in ay yihiin Xarako Bulshada la shaqeeyso.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments