Amiirka Alshabaab oo cajalad u soo duubay Ciidamada Tababarka ay u soo xereen iyo Dagaalka ay Muqdisho ka wadaan.
Muqdisho:-Amiirka Xarakada Alshabaab Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Subeyr ayaa soo duubay Cajalad maqal ah taasi oo lagu guubaabinayay ciidamada Alshabaab.
Abuu-Subeyr ayaa Idaacadaha Muqdisho laga sii daayay cajalad Cod ah oo uu soo diyaariyay taasi uu hadal ugu jeedinayay Ciidamada Tababarka soo dhamaystay oo Alshabaab ka mid ah si ay Dagaalada u sii wadaan.
Amiirka Alshabaab waxa uu hadalkiisa ka bilaabay Taariikhda xilligii Rasuulku dagaallada ku jiray, isagoo sheegay in laga doonayo maanta dhalinyarada joogta inay sidaas oo kale adkeysi u yeeshaan dagaallada ay ku jiraan Cadowga Islaamka.
Amiirka Alshabaab waxa uu sheegay in dhalinta Mujaahidiinta ay xiligan u taaganyihiin jihaadka islamarkaana ay cadowga afka Ciida u darayaan haatana ay u diyaarsanyihiin dagaalkaasi.
Amiirka Xarrakatul Shabaab ayaan la sheegin halka uu hadalkan ugu jeediyay ciidamada, balse waxaa la sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwo tababar uu dhawaan u soo xirmay Muqdishona la soo galiyay.
Inta badan Amiirka ALshabaab ayaa hadalo soo duuba oo kaliya iyadoo aanan lagu arkin fagaarayaasha muuqda ee Goobaha ay joogaan Ciidamada uu u yahay Amiirka guud Ee Alshabaab.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments