Ambassador Cali Ameeriko oo Hambalyo ka helay Madaxda Dowlada (Daawo Sawirada)
Bartamaha (Muqdisho):- Munaasabad qada sharaf ah ayaa Safiirka Soomaaliya Ee Kenya loogu sameeyay aqalka Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wasiiradiisa ayaa uga mahad celiyay masuulkan dadaalka dheer u galay soo dhicinta dhismihii safaarada Soomaalida Ee dalka Kenya.
Masuulkan ayaa qada sharaf loogu sameeyay aqalka Ra’iisul Wasaaraha waxaana markaasi ka dib saxaafada hadal siiyay Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo Hambalyo u jeediyay masuulkan kuna tilmaamay geeso dalka u soo hooyay guul.
Sidoo kale Munaasabada waxaa hadal ka jeediyay Maxamed Cali Xaamud oo ah Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada oo amaan u jeediyay Cali Ameeriko oo noqday nin u soo dhiciyay soomaaliya dhismo dhaqaale badan ku fadhiya.
Ambassador Cali Ameeriko oo amaanta loo jeediyay ka dib la hadlayay warfidiyeenada ayaa waxa uu balan qaaday in dhismaha safaaradaasi hadda ay soomaali leedahay loona baahan yahay in dadaal loo galo sidii loo dayac tiri lahaa.
DAAWO SAWIRADA:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments