Amaanka Muqdisho oo la sugaayo Bisha Ramadaan
Muqdisho_ Xili maalmo kooban ay kaharsan yihiin bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho ay isku dayayaan inay adkeeyaan amaanka magaalada, kadib markii ay ogaadeen in kooxda Al-shabaab ay weeraro ka fulin rabta Muqdisho.
Afayeenka laamaha amniga G/dhexe Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta usheegay in ciidamada amnigu ay bilaabi rabaan hawlgalo lagu sugaayo amaanka, waxaana uu rajo ka mujiyey in mudada lagu guda jiro bisha ramadaan ay bulshadu nabad ku soomi doonto.
“ waxaa jiri doono ciidamo tababar kasoo laabtay oo qayb kanoqon doona kuwa sugaya amniga, waxaa la gayn doonaa baro cayiman waxaana ay samayn doonaan hawlagalo lagu sugaayo amaanka” ayuu yiri afayeenka oo lahadlay BBC-da
Sarkaal kaan ayaa sheegay inay kawar hayaan weeraro Al-shabaab ay ku doonayso inay ku qarxiyaan goobaha dowlada, waxaana uu cadeeyay inay ogyihiin saddex gaari oo Al-shabaab ay ku diyaarisay walxaha qarxa.
Al-shabaab ayaa horay weeraro uga gaystay goobaha ugu muhiimsan ee dowlada, waxaana laamaha amniga lagu eedeeyay inay ku guul daraysteen adkaynta nabad gelyada magaalada, inkastoo maal mihii dame ay ku cel celinayeen inay samayn doonaan hawlgalo lagu adkaynayo amaanka Muqdisho.
Comments
comments