Alshabaabka Kismaayo oo maanta xiray Shirkada Xawaalada ee Amal Express xarunteeda kismaayo.
Bartamaha(Kismaayo);- Ciidamada amaanka maamulka alshabaab ee magaalada kismaayo ayaa saaka abaare 10:00 subaxnimo albaabada isugu dhuftay shirkada xawaalada Amal Express xarunteeda kismaayo iyadoona maamulku ku amray in shaqaalaha ay xiraan shirkada ilaa iyo amar danbe uu kaga yimaado dhanka maamulka ka arimiya magaalada kismaayo.
Qaar kamid ah masuuliyiinta shirkada xawaalada Amal express ee magaalada kismaayo oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in ay saaka u yimaadeen ciidamo uu hogaaminayay taliyaha saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo,uuna amar ku siiyay in la joojiyo shaqada islamarkaana la xiro shirkada, isaga oo aan u cadeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeeysa shaqo joojinta shirkadda, haseyeeshee warar hoosaad aynu heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in shirkada loo xiray buugag ay bixisay shirkada kuwaasi oo la sheegay in ay ku sawirnaayeen qaarada soomaaliya islamarkaasina tilmaameysay sida loo kala heysto wadanka soomaaliya,
iyagoona ku xusay goobaha ay ka kala taliyaan Dowlada KMG, Xarakada Alshabaab, Ururka Xizbul Islaam iyo Dariiqada Ahlusunna waljameeca,
ilaa iyo haatann ma jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka kismaayo oo ka hadlay sababta ka danbeeysay in la xiro shirkada xawaalada ee Amal Express xarunteeda kismaayo.
Ma ahan markii ugu horeysay maamulka islaamiga ah ee magaalada kismaayo uu xiro qaar kamid ah shirkada xawaaladaha ee magaalada kismaayo horaantii sanadii 2009 ayay ahayd markii uu maamulku xiray qaar katirsan xawaaladaha magaalada kismaayo.
kala soco wararka xaqiiqda ah www.Bartamaha.com
Bartamaha
Kismaayo_Somalia
Â
Comments
comments