Alshabaab oo xalay weerar mar kale ku qaaday magaalada Baydhabo
Ururka Alshabaab ayaa weerar ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay habaynkii labaad iyadoo la beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Dagaalka ayaa dadweynaha Baydhabo ay sheegeen inuu socday muddo saacad ah oo ay labada dhinac is waydaarsadeen hubka dhexe iyo midka fudud.
Ciidamada AMISOM ayaa weerar kan lamid ah lagu qaaday habayn ka hor kaasoo aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Kooxda Alshabaab ayaa horay u sheegtay inay labo jibbaarayso weerarada ay ku qaadayso ciidanka dawlada Soomaaliyo iyo kuwa AMISOM ee magaaladaasi kala wareegay ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee horay ugu sugnaa.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.