Alshabaab oo weeraro is dabajoog ah xalay ka gaysatay Baydhabo iyo deegaamo kale oo ka tirsan gobolka Bay
Maalmo kadib markii ay isaga baxeen magaalada Baydhabo ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee aadka looga baqi jiray ayay Alshabaab markale dib u u bilowday weeraro ay ku qaadayso magaalada Baydhabo.
Weeraro isdabajoog ah ayaa la sheegayaa in kooxdu ay xalay la beegsatay fariisimo ay fadhiyeen ciidamada dawlada Soomaaliya iyo AMISOM oo buuxisay boosaskii ay banneeyeen Itoobiyaanku.
Khasaaraha weeraradan ayaa warar kala duwani kasoo baxayaan iyadoo ilaha qaarkood ay Bartamaha u xaqiijiyeen ilaa lix qof oo ku dhimatay weeraradan.
Waxay kaloo Alshabaab weeraro ku qaaday deegaanada Awdiinle iyo Goof-guduud oo iyaguna ka tirsan gobolka Bay.
Intii aysan Itoobiyaanku ka bixin Baydhabo iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa laga digay inay taasi dhiiri galin karto kooxda Alshabaab oo dagaalyahannadeedu ay horayba ugu sugnaayeen qaybo kamid ah gobolka.
Comments
comments