Calendar

Alshabaab oo wada qorshe ay ku kala fureyso beelaha ku mideysan Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

shabaabiyiintaBartamaha(Ceel-Buur):-Kooxda Alshabaab Gobolka Gal-gaduud ayaa bilowday adeegsiga Maleeshiyaad Beeleed ka soo jeeda Gobolka Gal-gaduud sidii ay ula dagaalamaan Ahlu Sunnah.

Wararka ka soo baxay Bariga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkasi uu ka socanayo abaabul balaaran oo lagu doonayo in dagaal looga dhex bilaabo Ahlu sunnah deegaanada ay maamulaan.

Maleeshiyaad ka mida beelaha dagan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guri Ceel ayaa lagu soo abaabulay Deegaanka Ceel Buur oo ay joogaan saraakiisha Alshabaab Gobolka Galgaduud.

Sida warku nago soo gaaray Maleeshiyo hubaysan ayaa shalay dagaal kooban kula gashay Ciidan Ahlu sunnah ka mida duleedka Magaalada Dhuusamareeb si halkaasi uu dagaalka ugu baaho.

Ciidanka Ahlu sunnah ayaa waxa ay heleen gurmad magaalada dhuusamareeb ka soo gaaray iyagoo dib u celiyay Maleeshiyada dagaalka soo qaaday oo dadka deegaanka ay ku sheegeen kuwa wakiila ka ah Alshabaab.

Wadadaadka Waaliga Wilayada Alshabaab Galgaduud ah oo lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabo kutukade ayaa sheegay in ay ka warheleen isku dhac ka dhexeeya Ahlu sunnah iyo Ciidan gadood ah oo isbaaro dhigtay.

Sargaalka ayaa waxa uu hadalkiisa ku daray in ay Ciidanka Alshabaab isku diyaarinayaan Dagaal xoogan oo ay ku qaadaan Magaalooyinka Gobolka Galgaduud si shacabka loogu gargaaro.

Kabo ku dukade ayaa sheegay in dagaalka ay kula wareegayaan dhammaan Magaalooyinka Galgaduud sida Dhuusamareeb,Guri Ceel,Caabud-Waaq iyo Degmooyin kale oo gobolka ka mid ah.

Qorshahan cusub oo Alshabaab ay la soop bexeen ayaa imaanaya xilli khilaaf aan sidaa u xoog badnayn uu soo kala dhexgalay Ahlu sunnah oo qaar ka mida Beelaha ku midaysan ay qaadan la’yihiin heshiiskii Addis Ababa oo ay ku qanci la’yihiin iyadoo Alshabaab ay doonayso in ay ka faa’iidaysato.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: