Alshabaab oo wacad ku martay in ay qarax ku aarsan doonaan qaraxii shalay ka dhacay masjid ku yaala Bakaaraha.
Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha ALshabaab Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ka aarsan doonaan kooxaha qarxiyay masjidka ku yaala suuqa Bakaaraha.
Sheekh Cali Maxamed Xuseen Gudoomiyaha ALshabaab G/Banaadir oo saxaafada la hadlayay maanta ayaa sheegay in ay ka aarsan doonaan gaalada sida uu sheegay qarxisay masjidkii Al-Niilayn Bakaaraha.
Sheekh Cali ayaa cadeeyay in Kooxo ajaanib ah ay qaraxa ka dambeyeen oo ay soo adeegsadeen Kooxo calooshood u shaqeystaal ah oo Bakaaraha soo galay ka dibna qaraxa ku sameeyay masjidka.
Wadaadka alshabaab Gobolka Banaadir u qaabilsan ayaa balan ku qaaday in xanuun badan ay gaarsiin doonaan gaalada sida ay Muslimiinta u xanuujiyeen ayuu balan ku qaaday masuulkaasi.
Gudoomiyaha G/Banaadir Alshabaab ayaa wacad ku maray in qaraxyo badan ay uga aargudan doonaan qolyaha dalka ku sugan oo uu sheegay in ay shacabka laynayaan hadii sidan lagu sii fiirsado.
Masuulkaasi ayaa ugu dambayntii daboolka ka qaaday in ay ammaanka muqdisho adkeeyeen oo ay wadaan qorshayaal lagu soo qabanayo raggii la soo adeegsaday ee qaraxyada sameeyay.
Hanjabaada alshabaab ayaa imaanaysa xilli shalay laba qarax lagu dilay shacab fara badan iyo saraakiil ka mida Kooxda ALshabaab iyadoo la dhaawacay nin masuul sare ka ah alshabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.com
Muqdisho-Somalia
Â
Comments
comments