Alshabaab oo tartamo kala duwan u qabatay dadweynaha magaalada Baraawe
Kooxda Al-shabaab ayaa tartan ku qabatay shalay gellinkii dambe degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo ay ka qaybgaleen dadweyne fara badan. Tartankan ayaa isugu jiray qaybo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, dabaasha, tartanka doomaha, orodka, xarig-jiidka, toogashada, mootooyin lagu tartamayo, raashin cunis, bootin iyo kuwo kale oo fara badan.
Tartanka ayaa ka dhacay xeebta degmada Baraawe, waxaana tartanka uu noqoday mid soo jiitay dadweyne fara badan oo ku nool degmada Baraawe, iyadoo qaarkood ay sheegeen inaysan weligood arag tartankan oo kale.
Dadka mehrijaanka ka qaybqaadanayay ayaa waxay ka socdeen degmooyin kala duwan oo ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose, sida degmada Marko, Baraawe iyo deegaanka Buulo-mareer.
Kooxda Alshabaab ayaa wali ka talisa deegaamo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, iyadoo sidoo kalana weeraro ka fulisa qaybaha kale ee dalka.
Comments
comments