Alshabaab oo Tacsiirtay Haweenay Umul ah
Bartamaha (Muqdisho):- Fagaare ku yaala Degmada Wala-weyn ayaa waxaa lagu Tacsiiray Haweenay Umul ah oo lagu sheegay in ay Sinaysatay.
Gabadhan lagu magacaabo Canab Muuse Carow ayaa waxaa shalay lagu garaacay dadka hortooda iyada oo la sheegay in ay gashay fal Sino ah oo ay Ilmo yar ku dhashay dhawaan sidaa darteedna shalay loogu fulinayay Xukunkaasi Karbaashka ah.
Canab Muuse Carow ayaa waxaa shalay lagu dhiftay 100-Karbaash iyada oo dhalan muddo 10-Cisho ah taasi oo la yaab ku abuurtay dadka reer Walaweyn oola fajacay Xukunka gabadhan iyo xiliga uu ku dul dhacay oo ahayd iyada oo aan weli ka bixin Umusha.
Gabadhan ayaa waxaa la sheegay in uu ka sinaystay Cumar Axmed oo 100-Karbaash iyo Musaafurin horay loogu sameeyay islamarkaana ahaa wiil aan hore guur u soo marin balse gabadhan u yeelay Uur aan sharci iyo Nikaax ku dhalan.
Wadaadka haysta Alshabaab Walaweyn Mowliid Abuu Zamzam ayaa shaaca ka qaaday in xukunkan uu gabadhan ku dhacay markii la ogaaday in ay leedahay Uur aan Xalaal ahayn balse markii ay dhashay lagu fuliyay Xukunkii hore ugu dhacay.
Gabadha ayaa laga sugay illaa ay ka dhalaysay waxaana intaasi lagu hayay Xabsi guri shabaabka maamulaan oo ku yaala Degmada Wala-weyn oo muddo 2-Bil ah halkaasi lagu xanaanaynayay gabadhan la garaacay iyada Umul ah oo aan dhamaysay mudada 40-Cisho ah ee Umusha looga baxo.
Waa Xukun ka mida xukunada la yaabka leh Ee Alshabaab ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya oo ay maamulaan inta badana xukuno nuucan ah ka dhacaan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments