Calendar

Alshabaab oo soo dhaweysay banaanbixii Nairobi iyo hanjabaad ay u jeedisay Madaxda Puntland.

raagggeBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa soo dhaweysay banaanbixii rabshadaha watay ee Jimcihii ka dhacay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya iyadoo iska fogaysay in ay ka qeybqaateen dibad baxaasi.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso fikirka wanagsan oo ay muujiyeen Muslimiita Dalka Kenya markii ay ka bananbaxeen xariga Wadaad Muslim u dhashayw adanka Jamyka iyadoo Alshabaab ay sheegtay in ay banaanbaxaasi ku faraxsantahay.

Afhayeenka Kooxda Shabaab Sheekh Cali Dheere oo saxaafada la hadlayay ayaa qiray in ay dhammaan Alshabaab ka midaysan yihiin farxada banaanbaxa ka dhacay Nairobi balse aanay dhankooda ka qeybqaadan banaanbaxaasi Nairobi ka dhacay.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Kenya ay maagantahay in ay ka qeyb noqoto dagaalka lagula jiro waxa uu ku magacaabay Mujaahidiinta isagoo sheegay in ay soo dhawynayaan haddii Kenya ay Amisom ka mid noqoto oo ay dagaalka ka soo qeybgasho.

Afhayeenka ayaa sheegay in hadalka shalay ka soo baxay Kenya uu muujinayay sida ay u doonayso in ay hantida shacabka soomaaliyeedx ay dhacaan maadaama nay sheegeen in alshabaab ay ka banaanbaxeen nairobi isagoo sheegay in Alshabaab ay joogaan Soomaaliya.

Dhanka kale Afhayeenka Alshabaab ayaa ka hadlkay dhacdooyinka Puntland isagoo xusay in ay aanay Alshabaab la dagaalsanayn shacabka reer Puntland balse uu dagaal kala dhexeeyo madaxda sare ee xiriirka la leh wax uu ku shegay cadowga umada.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay tagayaan dhammaan meel waliba oo dhibaato ay ka jirto isagoo si gaar ah digniin ugu diray madaxda sare Ee Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa la shaqeeya Cadowga Shacabka.

Hadalka Kooxda Alshabaab ayaa imaanaya xilli magaalooyinka Puntland ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo inta badan lala bartilmaameedsado madaxda dhanka ammaanka iyo Xubnaha sare Ee Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: