Calendar

Alshabaab oo soo bandhigtay Laba Askari oo ka soo goostay Ciidamanka Dowlada KMG ah.

labada askariBartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa maanta soo bandhigtay Laba Askari oo ka soo go’ay dhanka Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo Alshabaab isku dhiibay.

Waaliga Walaayada Alshabaab Muqdisho Sheekh Cali Maxmed Xuseen oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhankooda ay ku soo beereen laba Askarioo ka soo tagtay dhanka Dowlada.

Sheekh Cali Maxmed Xuseen Gudoomiyaha Alshabaab Gobolka Banaadir oo la hadlayay xilli ay garbaha ka fadhiyteen labada Askari ayaa waxa uu sheegay in  ay soo dhibsadeen dhibaatada shacabka ay u geysanayaan Cadowga sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu xusay in ay Alshabaab ka mid yihiin labadaasi wiil ee askarta ah kana soo tagay Ciidamada Dowlada isagoo xusay in ay ka barbar dagaalamayaan walaalahooda.

Masuulkaasi Alshabaab Muqdisho ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay wadaan qorshe waliba oo ay wadaan Ciidamada Cadowga uu ku sheegay ay ka warqabaan Mujaahidiinta sida uu sheegay gudoomiyaha Muqdisho ee Alshabaab.

Labada Askari ee Dowlada ka soo tagtay kuna soo biirtay Alshabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay ka mid ahaan jireen Ciidamada Daraawiishta oo ay haatan isaga soo tageen oo ay Alshabaab ku soo biireen.

Alshabaab iyo Dowlada ayaa wax a ay inta badan soo bandhigaan in ay Ciidamo ku kala biiraya helayaan iyadoo dhowre jeer Saraakiil Alshabaab ah ay Dowlada ku biireen halka Ciidamo Dowlada ka soo tagaya ay ALshabaab ku soo biirayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: