read more »">

Calendar

Alshabaab oo si qaldan su’aala la yaab leh u waydiisay nin aan diinta aqoonin (VIDEO)

nin miskiinBartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa Magaalada Jowhar ku qabatay nin reer miyi ah oo aan diinta si wanagsan u aqoonin oo ay waydiiyeen su’aalo badan oo qalqal galiyay ninkaasi.

Shabaabka ninkan marka ay qabteen waxyaaba ay su’aaleen ayaa waxaa ka mid ahaa diinta iyo waxa uu ka yaqaan iyaga oo Ashahaadka u qabtay markii ay afkiisa ka dareemeen qaab aanay iyaga ku qancin taasi oo qasab ka dhigtay in ay diinta dib u soo galin oo kale ula hadlaan iyaga Ashahaadka baraya .

Ninkan waxaa loogu goodiyay in uu kala doorto Mindi madaxa looga jaro iyo in uu qaato oo dib u galo dugsi qur’aan kana laabto shaqooyinka uu haayo oo dhan waxaana goodintaasi ka dib ay u sheegayaan in ay diinta barayaan.

Ninkan waxaa la su’aalay qabiilka uu yahay iyo deegaanka uu dagan yahay waxaana xigtay in erayo qaldan loo adeegsaday waalidiintiisa iyo dadka wax soo baray sida Macalimiinta wax u dhigi jirta markii uu dugsi qur’aanka dhiganayay.

Erayada ay u adeegsanayaan ninkan ayaa ah kuwa qof walba ka fajicinaya waxaana ay u adeegsanayaan hanjabaad in ay diinta ku barayaan.

VIDEO:-

www.BARTAMAHA.COM

Comments

comments

Category : The Story, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: