Calendar

Alshabaab oo sheegtay inay labo Jibbaarayso weerarada ay ku qaadayso Turkiga ku sugan Muqdisho

Afhayeenka Al-shabab Sh. Cali DheereXarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarrada ay la beegsanayso shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inay Turkigu qayb ka ahaayeen duullaanno lagu qaaday dalal muslimiin ah oo caalamka ku yaalla.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegay inay weerareen dhisme ay deggenaayeen saraakiil Turki ah oo ku taalla degmada Hodan, halkaasna ay ku dileen lix illaa toban ka mid ah dulamaasiyiin Turki ah oo goobtaas ku sugnaa tiro intaas ka badanna ay dhaawaceen.

Dawlada Turkiga ayaa la ogyahay inay garab istaagtay Soomaaliya, isla markaanay ay ka wado mashaariic ballaaran oo ay dalka dib ugu dhisayso.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: