Calendar

Alshabaab oo sheegtay in ay dileen dhaqtarkii ugu sareeyay Ciidamada Amisom.

shaabaabtakhtarBartamaha(Muqdisho):-Xaraklada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay dileen dhaqtarkii ugu sareeyuay Ciidamada Amisom iyo Saraakiil kale ka dib qarax xalay ka dhacay Muqdisho.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo saxaafada hadal kooban siiyay ayaa shaaca ka qaaday in ay qarax qorsheysan ku dileen Dhaqtarkii ugu sareeyay Ciidamada Amisom iyo saraakiil kale.

Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay in ay qarax ku weerareen Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho oo ay ku dileen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta Amisom.

Sheekh Cali Dheere ayaa qarax guul ku fulay ku sheegay weerar Xalay ay ku qaadeen Xarunta Xalane Ee dhacda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho halkaasi oo ay qarax ku sameeyeen Alshabaab.

Qaraxa Xalay dhacay ayaanan la ogayn waxa uu ahaa iyadoo warar kala duwan laga soo saaray nuuca qaraxa xalay ka dhacay garoonka Diyaaradaha Muqdisho halkaasi oo qaraxa uu ka dhacay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho Somalia.

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: