Alshabaab oo sheegatay Masuuliyada Qaraxyadii Kampala.
Bartamaha(Muqdisho):-Alshabaab ayaa si cad u sheegatay masuuliyada qaraxyadii xalay ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalkaasi Ugandha.
Afhayeenka Kooxda Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere†oo galabta Shir jaraa’id ku qabtay Wadada Warshadaha Muqdisho ayaa saxaafada u sheegay in ay masuul ka ahayd alshabaab qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala.
Afhayeenka Shabaab Cali Dheere waxaa uu ku faanay in ay qaadeen qarax qasaara u geystay shacabka reer Ugandha isagoo balan ku sii qaaday in qaraxyo kale ay fulinayaan.
Afhayeenka waxa uu sheegay in ay Xalay u aar gudeen Shacabka lagu laayo gudaha Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in ay bilaabatay silsilado qaraxyo ah oo ka kala dhacaya Kampala iyo Bunajbura.
“Alle  ayaan uga mahad celineynaa  fulinta qaraxyadii lagu laayay dadka laayay shacabkeena in, waxaan kaloo u mahad celineynaa Ragii ku guuleystay qaraxyadaasi oo mujaahidiin shabaab ahaa ah†ayuu yiri Cali dheere Afhayeenka Alshabaab.
Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage waxaa uu sheegay in digniin uu u dirayo shacabka reer Burundi iyo kuwa Ugandha  isagoo ugu hanjabay inay Magaalada Bujumbura iyo Kampala ay noqon doonaan magaalooyin qaraxyo.
“shacabka reer Uganda waxaan leeyahay  hadaad guryaheenii dumiseen guryihiina ayaan dumineynaa waana idin laynaynaa sida ay Ciidankiina u laayaan shacabkeena ….†Ayu hadalkiisa sii raacsaday Cali dheere.
Hanjabaada iyo guul sheegadka shabaab ayaa imaanaya xilli xalay qarax lagu laayay dad u dhashay Dalalka Ugandha iyo Ethiopia oo isaga mashquulsanaa daawashada Ciyaaraha Adduunka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya.
Comments
comments