Calendar

Alshabaab oo sheegatay in ay ka fulisay qarax Gudaha Xarunta Xalane oo ay Amisom daganyihiin.

raggeBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay in qarax ay ka fulisay gudaha Xarunta Xalane oo ay daganyihiin Ciidamada Amisom qasaara xoogana ay gaarsiiyeen.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo saxaafada  la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay qarax ka fuliyeen gudaha dugsiga Tababarka Xalana ee Magaalada Muqdisho ay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Midowga Africa .

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Shabaabka waxaa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob ku dhow bada oo lagu qaarijiyay saraakiil sar sare oo ka mida Ciidamada Amisom.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in raga Mujaahidiinta ah ay galeen Xaruntaasi islamarkaana ay qaraxaasi u diyaariyeen oo ay ku laayeen saraakiil sar sare oo ka mida Amisom.

Sargaalkaasi Shabaabka afhayeenka u ah ayaa inta badan sheegfa in ay weeraraan Amisom iyo Dowlada islamarkaana ay qaraxyo ka sameeyaan meelo ammaankooda la adagyahay sida Xarunta Xalane.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« Previous Post »

Comment: