Alshabaab oo saakay khaarajisay rag uu kamid ahaa Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Alamriki
Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa tilmaamaya in Kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Saraakiil Cadaan ah oo ka tirsanaa Ururkaasi.
Cumar Xamaami oo loo yaqaanno Abuu Mansuur Al Amriiki , Usama Al Biridaani oo u dhashay Pakistan heystana dhalasho dalka Ingiriiska ah iyo Nin Soomaali ah oo ilaalo u ahaa ayaa la sheegay in ay ka taqaluseen Kooxahani Hubeysan.
Saraakiishaan ayaa ku sugnaa Tuulo lagu Magacaabo Al Baati oo hoostagta degmada Baardheere.
Al Shabaab ayaan weli ka hadlin dilka Saraakiishaan Ajnabiga ah balse horay ayaa waxa ay u sheegeen in ay ku raad joogaan Saraakiil uu ka mid yahay Abuu Mansuur Al Amriiki oo ay ku eedeeyeen in uu dil ka geystay Tuulada Raama Cadeey ee gobolka Bay
Comments
comments