Alshabaab oo saaka Burbirisay goobo ganacsi gudaha Walaweyn.
Bartamaha(Walaweyn):-Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa saaka burburin ka sameeyay goobaha ganacsiga Degmada Walaweyn Ee Gobolka Sh.Hoose.
Wararka aynu ka helayno Sh.Hoose ayaa sheegaya in saaka burburin balaaran lagu sameeyay dhammaan goobaha ganacsiga gudaha Degmada Walweyn Ee Gobolkaasi Sh/Hoose.
Goobaha la burburiyay ayaa waxaa ka mida Suuqa khudaarda Degmadaasi iyo dhismo muddo ka dhisnaa halkaasi oo dhulka lala simay.
Ciidanka saaka burburinta ku sameeyay goobaha ganacsiga ayaa waxa ay ka socdeen Maamulka Alshabaab waxaana ay dhammaan xanibeen ganacsiga magaaladaasi.
Waa markii ugu horaysay oo digniin la’aan ay burburiyaan Goobaha ganacasiga walweyn halkaasi oo saaka dad badan ay ku dhacday meherad la’aan markii dhulka lala simay dhismayaashii ganacsioga.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments