Alshabaab oo raashin ku gubtay Magaalada Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa maanta dab qabadsiisay raashin ay lahayd Hay’ada Cunada Adduunka Ee WFP.
Raashinka ay maanta shacaacka ku gubeen Muqdisho ayaa waxa ay saarnaayeen illaa 6-Gaari oo nuuca waaweyn ah kuwaasi oo dhammaan raashinkaasi ka soo qaaday dhulka Dowlada maamusho islamarkaana la doonayay in si hoose loogu Iibiyo suuqyada Muqdisho.
Alshabaab waxa ay raashinka maanta ku gubeen gudaha magaalada Muqdisho markii ay ka soo dajiyeen raashinka  saarnaa gawaarid aka dibna ay ku gubveen gudaha Magaalada Muqdisho oo horay raashinka WFP looga mamnuucay.
Cali Maxamed Xuseen “Cali Jeesto” Gudoomiyaha Kooxda Alshabaab Gobolka Banaadir ayaa saxaafada u sheegay in ay gubayaan dhamaan Hantida Hay’adaha ajnabiga ah ee weli doonaya in ay raashin ku dhex haayaan shacabka Beeraha Tacbanaya xiligan.
Cali Jeesto waxa uu guul ku tilmaamay markii maanta ay gubeen Raashinka WFP in ay guul balaaran gaareen isagoo wacad iyo balan toos ah ku qaaday in ay beegsanayaan dhammaan Hanti walba oo ay leeyihiin Hay’adaha Qaramada Midoobe.
Gubida maanta ayaa imaanaysa xilli shalay Baladweyne lagu xeray 30-Bakhaar oo WFP ay lahayd oo illaa haatan aan la ogayn waxa ay ka go’aansan doonaan maadaama la xeray Bakhaaradaasi ay WFP ku lahayd Baladweyne.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments