Alshabaab oo qarka u saaran in ay qabsadaan Dhuusamareeb iyo Shacabka oo isaga cararay Magaalada.
Bartamaha(Dhuusamareeb):Xiisad colaadeed ayaa laga dareemayaa dhuusamareeb halkaasi oo ay ku soo dhawaadeen Ciidan xoogan oo ka tirsan Alshabaab.
Ciidamada Alshabaab ayaa magaalada ku soo siqay waxaana Ahlu sunnah ay doonayaan in ay difaacaan dhuusamareeb si aan gacantooda looga saarin maadaama deegaano kale horay looga qabsaday.
Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana xilli waliba la filan karaa dagala qaraar oo ka bilowda duleedka iyo gudaha dhuusamareeb waxaana mararka qaar labada dhinac ay ridayaan lidka diyaaradaha.
Dadka shacabka ah ayaa intoda badan faarujiyay gudaha dhuusamareeb iyagoo ka cabsanaya in dagaalka uu saamayn xoogan ku yeesho iyagoo u dhaqaaqay duleedka magaalada.
wixii soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments