Calendar

Alshabaab oo qabqabatay Maleeshiyaad ka tirsan Xizbul Islaam.

xizbigBartamaha(Nairobi):-Kooxda Alshabaab ayaa qabqabatay Maleeshiyaad ka tirsan Xizbul Islaam oo ay ku tilmaameen Burcad.

Howlgal ay sameeyeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shabaab ayaa waxa ay ku soo qabqabteen qaar ka mida Ciidanka Xizbul Islaam xilli ay marayeen duleedka Baardheere.

Howlgalka oo dhacay xalay fiidnimadii ayaa la xaqiijiyay in lagu qabqabtay in ka badan 8-dhalinyara ka mid ahayd Xizbul Islaam kuwaasi oo watay gaari nuuca dagaalka ah.

Maleeshiyada Shabaab sargaal u hadlay ayaa sheegay in ragga la qabtay ay ahaayeen Koox Burcad ah oo doonaysay in ay dhac u geystaan gaadiidka dadweynaha.

Maleeshiyada ka mid ahayd Xizbul Islaam ee lagu tilmaamay Burcada Wadooyinka ayaa haatan xabsiga Baardheere la dhigay waxaana la sheegayaa in halkaasi ay soo gaareen saraakiil ka socota Xizbiga oo ka timid dhanka Deegaanka Luuq.

Ma aha markii ugu horaysay oo la qabqabto Maleeshiyaadka Xizbul Islaam oo awood ahaan aad u liidan marka loo eego qaababka ay ula dhaqmaan Kooxda Shabaab.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: