Alshabaab oo nin gacanta uga goysay Degmada Diinsoor.
Bartamaha (Diinsoor):- Kooxda Alshabaab ayaa gacanta ka jartay nin lagu eedeeyay in uu ku dhaqaaqay falal xatooyo ah.
Fagaare ku yaala Diinsoor ayaa galabta waxaa gacantiisa ku waayay nin 43-Jir ah oo lagu soo eedeeyay falal xatooyo ah sida ay ku dhawaaqeen saraakiisha shabaab Ee Gobolka Bay.
Sargaal lagu magacaabo Sheekh Maxamed Cadow oo ah ku xigeenka qaadiga maxkamada Al-Shabaab ee degmada Diinsoor ayaa saxaafada u sheegay in xukunka uu ku dhacay ninkan markii uu fal xatooya ah qirtay in uu ku dhaqaaqay.
Ninkan gacantiisa waayay ayaa waxaa looga jaray goob fagaara ah oo dad badan ay joogeen markii uu afkiisa ka qirtay in uu Lacag gaaraysa 500-Kun oo shilin ka xaday dukaan ku yaalay Diinsoor.
Ninkan xaday lacag aan ka badnayd 20$ islamarkaana waayay gacantiisa ayaa waxaa shabaabka ay ku sifeeyeen Saariq ama Tuug cadaystay iyadoo gacantiisa la jaray la suray suuqa Degmadaasi.
Ma aha Xukunkan kii ugu horeeyay ee ka dhacay Diinsoor waxaana gacmahooda hore u waayay dhalinyaro badan oo falal xatooyo ah lagu soo eedeeyay kuwaasi oo laga jaray gacmaha.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments