Alshabaab oo maanta sii daysay nin haystay diinta Masiixiga.
Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Alshabaab Gobolka Sh/dhexe ayaa maanta sii daysay nin lagu eedeeyay in uu haystay diinta Masiixiga.
Ninkan oo lagu magacaabo C/laahi Siyaad Qanyare ayaa Alshabaab ay xerteen 3-Bil ka hor waxaana ay ku sheegeen in uu yahay nin haysta diinta Gaalada islamarkaana ay eheladooda u sheegeen in la dilayo.
Warar muddo ka dib la helay ayaa cadaynaya in ninkaasi lagu bilaabay baaritaan inta uu ku jiray gacanta Maamulka ALshabaab Gobolkaasi Sh/dhexe.
Baaritaan ka dib ayaa maanta si rasmi ah ay Alshabaab u fasaxeen ninkaasi lagu magacaabo C/laahi Siyaad Qanyare oo Jowhar daganaa markii saddex bil ay wadeen baaritaan.
Ninkan ayay ku eedeeyeen alshabaab in ay gurigiisa ka soo heleen Kitaabka Baybalka sidaasi daraadeedna uu yahay nin Gaal ah oo ka baxay Diinta Islaamka.
C/laahi Qanyare oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in aanu marnaba ka bixin Diinta isagoo ku dooday in Baybalka laga soo siiyay xiligii UNISOM oo uu la shaqeynayay hay’ado.
Waa markii ugu horeysay oo ay alshabaab cafiyaan nin ay ku eedeeyeen in uu yahay Gaal ama uu ka baxay Diinta waxa ayna horay u dileen nin somalia ah oo aaminsan diinta Christian.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliya www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments