read more »">

Calendar

(SAWIRO) Alshabaab oo maanta la baxday Lafaha Wadaado Caan ka ah Soomaaliya gudaha Muqdisho iyo qabuuro ay dhulka la simeen

qab1Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa maanta ku dhaqaaqday burburinta qabuuro ay ku aasnaayeen wadaado can ka ah Soomaaliya gudaha Degmada Karaan Muqdisho.

Ciidanka Alshabaab oo ay la socdeen saraakiil uu ugu caansanaa Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa maanta ku dhaqaaqay burbrinta qabuuraha Wadaado la qadariyo.


Ciidamo Alshabaab ayaa waxa ay howlgalka ka bilaabeen masjidka Sheekh Muxudiin Celi halkaasi oo ay ka qodeen qabriga wadaadkaasi lagu magacaabo Sheekh Muxudiin Celi

[slidepress gallery='qabriga-sh-muxiyadiin']

Ciidanka ayaa waxa ay la dheeceen qabriga  Faasas iyo biro ayaa wateen iyadoo ay ku dhawaaqayeen Takriibta iyo erayo kale oo ay ku doonayaan sii wadida qabri burbririunta

Lafaha Allaha u Naxariistee Sheekh Muxudiin Celi oo lagu qaaday Jawaano ayaa la galiyay gaari ay lahaayeen Saraakiisha Xarakada Alshabaab iyadoo Ciidankii oo dhan ay u dhaqaaqeen dhanka Deegaanka Marina ee degmadaasi ka mida.

Muddo ka dib Ciidanka Alshabab iyo madaxdii la socotay ayaa waxa ay gaareen Masjidka Sheekh Axmed Xaaji oo ku yaala Degmada Kaaraan bartamaheeda waxa ayna galeen gudaha Masjidka iyagoo ka soo saaray qabrigii Sheekh Axmed Xaaji oo ay dhulka la simeen lafahana laga soos aaray.

Qabriga sheikh axamed Xaaji ayay qodeen iyagoo la baxay maydka Wadadaadkaasi lafihii ka haray oo in muddo ah uu ku aasnaa masjidka ay galeen.

Gudoomiyaha Alshabaab Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay maanta guushii ugu balaarnayd gaareen markii ay dhulka la simeen qabuuro ku yaalay Muqdisho .

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in ay munkar maanta gacantooda ku suuliyeen islamarkaana ay meelo kale ka faagayaan qabuuro ku yaala Magaalada inteeda kale marka laga soot ago Degmada Kaaraan oo uu balan qaday in saacadaha soo aadan ay dhamaystirayaan wixii dhiman.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: