Alshabaab oo maamul u samaysay Degmada Ceel-Barde iyo Dowlada oo Hanjabaad jeedisay.
Bartamaha(Ceel-Barde):-Alshabaab ayaa maamul cusub u samaysay Degmada Ceel-Barde oo ay shabaabka dhawaan ka qabsadeen Ciidamadii Dowlada.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Maamulka Alshabaab Bay iyo Bakool ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Alshabaab u qaabilsanaanaya Degmada Ceel-Barde oo weli shaki ku jiri sida ay alshabaab ku sii joogayaan.
Gudoomiyaha Alshabaab Ceel-Barde ayaa loo magacaabay
Sheekh Cabdalla Salaad oo ka mid ah Saraakiisha Deegaankaasi ka soo jeeda.
Maamulka ayaa ahaa mid magaca gudoomiyaha oo kaliya lagu dhawaaqay waxaana la sheegayaa in uu shaqooyin badan ka qabanayo masuulka haatan ay shabaabka u magacabeen Degmadaasi.
Dhanka kale Gudoomiyihii hore Ee Ceel-Barde Ibraahim Dheere ayaa balan ku qaaday in dhawaan ay ka saarayaan Alshabaab Deegaanka ay haatan ka qabsatay Dowlada.
Gudoomiyaha ayaa ku Hajnabay in ay Deegaanka u dhiibanayaan Ciidamada Ethiopia inta ay shabaab ku sii eegan lahaayeen Degmada CeelBarde Ee Gobolkaasi Bakool.
Degmada Ceel-Barde ayaa noqotay mid la isku dhiib dhiibo oo Alshabaab iyo Dowlada aanay cidi si rasmi ah ugu nagaanin waxaana jiray in horay ay ka saareen Alshabaab Ciidan Ethiopian ah oo soo galbiyay askarta Dowlada.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments