read more »">

Calendar

Alshabaab oo la sheegay inay ku hawlantahay samaysashada hubka kiimikaalka ah

Taleefishinka CBS ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa tabiyay in kooxda Alshabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta ay samaynayso hub kiimikiil ah taasoo ay kasoo xigteen dukumiinti Maxkamadeed oo la helay oo muujinaya in Al Shabaab oo ah koox xiriir la leh Ururka Al Qacidda ay ku howlantahay horumarinta hub Kiimikaal ah oo ay samaysato.  Waxaana Dikumiintigu uu sheegayaa in Alshabaab ay baaritaano iyo cilmi baaris ku hayso sidii ay horumarin lahayd samaysashada hubka kiimikaalka ah ee sida ba’an wax u gumaada, warkaas oo laga helay niman saddex ah oo Alshabaab horay uga tirsanaa kuwaasoo haatan ku xiran waddanka Maraykanka.

Mahdi Xaashi ayaa lagu sheegay magaca mid kamid ah ragga la qabtay ee macluumaadkan laga helay, waxaana la xiray bishii August 2012kii, waqtigaasi oo lagu eedeeyay in ay ku sii jeedeen dalka Yemen, islamarkaana ay doonayeen in ay ku biiraan Al qaacidada Jasiirada Carabta ee xarunta ka dhigatay dalkaasi Yemen sidaasi waxaa uu sheegay taleefishinka John Miller oo ah wariye ka tirsan CBS oo la socday kiiska maxkamada.

Mahdi Xaashi oo kamid ah ragga maxkamadu ku socoto ayaa ah muwaadin Soomaaliyeed oo haystay dhalashada dalka Britain waxaase Britain ay ka qaaday baasaboorka kadib markii lagu eedeeyay inuu ku kamid ahaa rag isu diyaariyay inay ka qayb qaataan falal argagixiso oo doonayay inay ku biiraan ururka Alshabaab oo kamid ah ururada sida tooska u hoostaga Alqaacida.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: