Calendar

Alshabaab oo la filayo in Baydhabo ay ka furan idaacad Afkooda ku hadasha.

micerphonesBartamaha(Baydhabo):-Xarakada Alshabaab ayaa dhawaan la filayaa in Magaalada Baydhabo ay ka hirgaliso Idaacad ku hadlaysa Afka Kooxda si ay u baahiso afkaarta Xarakada Alshabaab.

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helaayo Xafiiska Maamulka Alshabaab Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in abaabul lagu wado Koox ka shaqo bilaabaysa idaacada Alshabaab ee Baydhabo.

Maamulka ayaa waxa ay dhawaan damiyeen Labada Idacad FM-ah oo ka furnaa Magaalada Baydhabo iyagoo mid ka mida si gaar ah ula wareegay.

Qalabkii Idaacada Warsan Baydhabo oo ay lahaayeen Jaaliyada Gobolkaasi ayaa waxaa la filayaa in loo badalo Idaacad ku hadasha afka Maamulka Alshabaab.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in qalabkooda loo madax baneeyo madaxda Idaacada Jubba ee Magaaladaasi ka furnayd iyadoo lagu wargaliyay in aanay ku shidi kari Magaalada.

Masuuliyiin Xarakada Alshabaab ka mid ah ayaa waxa ay wadaan qorshe ay isku xer ugu samaynayaan Idaacada Baydhabo laga shidayo iyo FM ku hadla Codka Alshabaab oo ka furan Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« Previous Post »

Comment: