Alshabaab oo ku dhaqaaqday qabuura Burburin gudaha Gobolka Bay.
Bartamaha(Baydhabo):-Ciidamada Kooxda Alshabaab ayaa ku dhaqaaqay howlo qabuura Burburin ah gudaha iyo hareeraha Magaalada Baydhabo.
Qabuuraha ku yaala Xaafadaha kala duwan ee Baydhabo iyo duleedka Magaalada ayay ku yaaceen Ciidamada iyadopo Faasas iyo budad la dhacaya qabri walba oo dhagax ku dhisanyahay.
Qabuuraha qaar ayay ka siibeen dhammaan astaamaha ay donayaan in ay ehelada ku ogaadaan sida Olaha iyo geedaha lagu talaalo qabuuraha.
Madaxa Dacwada Maamulka ALshabaab Baydhabo Sheekh Ibraahim Aadan oo saxaafada la hadlay gaar ahaan Idaacada afka Alshabaab ku hadasha ayaa shegay in ay Munkar badan suuliyeen.
Masuulkaasi ayaa sheegay in ay dhulka la simeen qabuuro qaab qaldan loo booqan jiray oo qaar ka mida waxa uu ugu byeeray Shirki lagu samayn jiray.
Inta bnadan Deegaanada ay maamulaan Alshabaab ayaa waxaa lagu burb uriyaa qabuuraha ku yaala deegaanadaasi iyadoo marar badan isku dhac uu ka dhacay qabuura Burburintaasi wallow dhawaanahan ay si fudud howshaasi Burburinta ah ay ugu dhaqaaqaan Ciidamada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments