Calendar

Alshabaab oo ka fakaraysa sidii Qaramada Midoobe ay meesha uga saari lahayd!!.

 

shabBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa ka fakaraysa sidii ay meesha uga saari lahayd  Jumciyada Qurumaha ka dhaxaysa iyadoo ku baaqday dagaal Caalami ah.

Saraakiisha ALshabaab ayaa xilli waliba marka ay hadlayaan waxa ay colaad aan dhamaanayn u muujiyaan UN-ka iyagoo sheega in ururkaasi uu yahay midka hortaagan Dowlada Islaami ah oo la dhiso.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ah Sargaal sare oo Xarakada Alshabaab ka dhexmuuqda ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Qaramada Midoobe.

Sargaalkaasi oo ka mida madaxda Alshabaab islamarkaana dhinaca Dacwada iyo Tashkiilinta u qaabilsan ayaa sheegay in ay meesha ka saarayaan qaramada Midoobe.

Sheekh Fu’aad oo ah Wadaad xiliga uu hadlayo laga dareemayo sida uu ugu ad’adagyahay go’aanka hadaladiisa ayaa waxa uu xilli ku noolaa Dalka Sweden isagoo inta badan sheega in nolosha yurub ay tahay mid dulli ah .

Sheekh Fu’aan ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Mujahidiinta ay isku diyaarinayaan meel walba oo ay joogaan sidii meesha looga saari lahaa ururada Qaramada Midoobe iyo kuwa kale.

Wadaadka ayaa sheegay in Jihaadka uu yahay nolol dhamaystiran isagoo xusay in uu isaga in mudda ah ku noolaa Sweden kana soo cararay islamarkana Puntland uu uga soo tagay ammaan la’aan balse uu Jihaadka noloshiisa ku dhamaysan doono sida uu hadalka u dhigay.

Fikirka Alshabaab eek u aadan in meesha laga saaro Qaramada Midoobe ayaa imaanaya xilli inta badan sharciya adag la dul dhigay dhammaan hay’adaha UN-ka iyadoo qaar badan lagu amray in ay dalka faraha kala baxaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: