Calendar

Alshabaab oo jawaab ka bixisay shaqa joojinta hay’ada Cunada Adduunka WFP.

alshabaab wfpBartamaha(Muqdisho):-Xarakada ALshabaab ayaa shaaca ka qaaday in aanay wax dhibaata ah u geysan hay’ada WFP iyadoo cambaareysay qaabka ay u hadleen Saraakiisha hay’adaasi.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in aanay dhankooda masuul ka ahayn shaqo joojinta hay’adaasi isagoo afhayeenka ku baaqay in shacabka ay muujiyaan sida looga maarmi karo.

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Kooxda Alshabaab oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in aanay dhankooda masuul ka ahayn xayiraad ay sheegatay in WFP la saaray taasi oo ay waxba kama jiraan Xarakada ku sheegtay.

Afhayeenka ayaa Bulshada ka dalbaday in ay Allaah ku xermaan islamarkaana laga maarmo hay’adaasi WFP oo aan wax dan ah u haynin bulshada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Shaqa joojinta WFP ayaa imaanaysa xilli ay dhamaatay mudadii loo qabtay in ay raashinka bakhaarada ku jira ay u qeybiso dadka u baahan sida lagu soo daabacay qoraal horay uga soo baxay Xafiiska la socodka shaqooyinka hay’adaha Qaramada Midoobe Ee Alshabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: