Calendar

Alshabaab oo isku khilaafsan Degmada Ceel Buur .

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha (Ceel Buur):- Kooxda Shabaab maamulkeedii Ceel Buur ayaa laba u kala jabay kuwaasi oo isku haya rag dhawaan kufsaday Xaaska sargaal xilli Xizbul Islaam ahaa.

Saraakiil ay kala hogaaminayaan Sheekh Yuusuf Kaba ku dukade iyo Cali dheere Afhayeenka alshabaab ayaa waxa ay awood u sheegteen madaxdii alshabaab Ee Ceel Buur iyada oo haatan la isku haysto soo wareejinta 6-dhalinyara ah oo kufsi ka gaysatay Ceel Buur.

Kaba ku dukade iyo rag uu Cali dheere afhayeenka shabaab ka mid yahay ayaa dalbanaya in Madaxda loo soo gacan galiyo ragga sinada ku dhacay ee kufsiga muuqday ka gaystay gudaha Ceel Buur kuwaasi oo qaab qabiil ahaan loo difaacanayo.

Xaalada Ceel Buur ayaa aad u qasan haatan waxaana xalay fiidnimadii is rasaaseeyay rag dhalinyara shabaab ah oo ay kala wataan madaxda deegaanka iyo Kooxda Kaba ku dukade oo alshabaab madax uga ah Gobolka Galgaduud.

Magaalada ayaa bandow la saaray waxaana wada hadal hoose yeeshay Sheekh Cali dheere oo deegaan ahaan ka dhashay Ceel buur iyo ragga dhalinyarada ah iyo maamulka Ceel Buur oo diidan in la dhiibo dhalinyarada falka qaldan ku kacday.

Weli waxaa kacsan xaalada waxaana Cara ku kala maqan Kaba ku dukade gudoomiyaha shabaab Galgaduud iyo dhammaan Maamulkii Ceel Buur oo isku dhacsan wallow Afhayeenka shabaab uu haatan ku kala dhex jiro si uu xalaad au qaboojiyo.

Wixii faahfaahin dheeraad ah www.Bartamaha.com ayaa kula socodsiinaya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: