Alshabaab oo isaga baxday Dhuusamareeb iyo Xaalada oo dagan.
Bartamaha (Dhuusamareeb):- Xaalada guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka xasiloon ka dib markii Alshabaab shalay ay dagaal kooban ku qabsadeen.
Jawiga guud Ee Degmada Dhuusamareeb ayaa dagan ka dib dagaal qaraar oo shalay muddo kooban socanayay ka dibna ay magaaladaasi ku qabsadeen Alshabaab.
Weerarka shalay ay shabaabka ku soo qaadeen Degmada dhuusamareeb ayaa ka danbeeyay markii Ciidankii ahlu sunnah ay duulaan ku aadeen Degmada Cadaado oo ay ku qabsadeen Deegaankaasi.
Weerarka shalay oo u muuqanayay mid ka faa’iidays ahaa oo ay shabaabka ku soo galeen Degmadaasi Dhuusamareeb xilli ay inta badan Ciidanka ahlu sunnah ka maqnaayeen Degmadaasi ayaa waxa uu weerarkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac.
Alshabaab waxa ay sidoo kale shalay qabsatay Degaanka Mareerguur oo muddo ka soo talaabsan waayeen wallow shalay galinki danbe ay si fudud ku qabsadeen Deegaankaasi iyo Degmada Gobolka Galgaduud xarunta u ah Ee Dhuusamareeb.
Maleeshiyaadka shabaabka ayaa waxa ay dileen 8-ruux oo rayid ah kuwaasi oo ay dilkooda la xiriiriyeen ka mid ahaanshaha Ahlu sunnah Wal jamaaca.
Maleeshiyaadka shabaabka ayaa markii saacada badan ay magaalada maamulanayeen waxa ay isaga bexeen Xalay fiidnimadii hore markii ay ka war heleen soo dhaqaaqida ciidankii ahlu sunnah ee shalay ku duulay Cadaado.
Magaalada ayaa waxaa saaka gacanta ku haya Ahlu sunnah wal jamaaca waxaana guud ahaan aagagoodii hore ku noqday maleeshiyadii alshabaab ee shalay sida fudud ku qabsaday Dhuusamareeb iyo Mareerguur.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments