Alshabaab oo Hanjabaad u jeedisay Ciidanka la keenayo Soomaaliya.
Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa hanjabaad culus u jeedisay Askarta lagu soo kordhinayo Ciidanka Amisom ee Ku sugan Muqdisho.
Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay Hawada ayaa shaaca ka qaaday in ay la dagaalamayaan Ciidanka la keenayo dalka.
Afhayeenka waxa uu ugu hanjabay Amisom in lagu laynayo dagaal walba ay soo qaadaan isagoo si gaar ah fariin ugu diray Dowladaha doonaya soo dirida Ciidankaasi.
Cali dheere waxa uu sheegay in ay ku soo dhawaynayaan Ciidankaasi rasaas iyo Qaraxyo lagula eeganyo meel walba oo ay soo dagaan xilliga ay soo gaaraan dalka.
Afhayeenka       Shabaab waxa uu intaasi ku daray in Afrika aanay ka dhabayn Karin soo diritaanka Ciidanka isagoo sheegay in ay ka baqanayaan dhibaata ka soo gaarta Askartooda.
Dhanka kale waxa uu afhayeenka Alshabaab cadeeyay in Dowlada KMG ah ay weji gabax kala kulantay shirkii Kampala oo uu xusay in ay ka heli waysay doorkii ay u baahnayd.
Ugu danbayn sargaalkaasi shabaabka u qaabilsan ku hadalka Magaca Alshabaab xiliyada siyaasada ayaa waxa uu balan ku qaaday in ay sii wadayaan dagaalka dalka ay uga saarayaan Cidianka Amisom.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments