Alshabaab oo guula ka sheegatay dagaalo shalay iyo Xalay ka dhacay Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa guula balaaran ka sheegatay dagaalo shalay iyo Xalay ka dhacay qeybo ka mida Degmada Hodon Muqdisho.
Gudoomiyaha Alshabaab B/Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo Saxaafada Telphonada kula hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii shalay dhacay ay guul balaaran ka gaareen.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalada lagu soo qaaday saldhigyada ay ku leeyihiin Terbuunka iyo Wadada Taleex balse ay dib u caabiyeen Kooxdii weerarka soo qaaday.
Sheekh Cali Maxamed Xuseen Gudoomiyaha ALshabaab G/Banaadir ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Alshabaab ay joogaan dhammaan aagagii dagaalka uu ka dhacay.
‘Mujaahidiinta waxa ay guul balaaran Alle ka siiyay dagaalkii lagu soo qaaday….waan ka saarnay dhammaan goobihii ay soo weerareen iyo meelihii ay joogi jireen waxaanan ku dhawaanay KM.4 iyo Isgoyska Banaadir oo ay ku xooganyihiin….†Ayuu yiri Gudoomiyaha ALshabaab Muqdisho.
Hadalka Alshabaab ayaa imaanaya xilli shalay dagaal xoogan uu ka dhacay Wadooyinka Degmada Hodon Muqdisho iyadoo Xalay Kooxda Alshabaab ay soo qaadeen dagaal rogaal celin ah oo ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan aagagii shalay lagala wareegay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments