Alshabaab oo guula buuxa ka shegatay dagaaladii ka dhacay Dhuusa-Mareeb.
Bartamaha(Dhuusa-Mareeb):-Xarakada Alshabaab ayaa guula buuxa ka sheegatay dagaalo ka dhacay Degmada Dhuusamareeb halkaasi oo ay muddo koban haysteen.
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere†ayaa sheegayin dagaalka ka dhacay dhuusamareeb ay guula ka gaareen islamarkaana qasaara xoogan ay gaarsiiyeen Islaamiyiinta.
Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid barakaysan kaasi oo dhabar jab loogu geystay waxa uu ugu yeeray Cadowga Islaamka oo uu tilmaamay in ay galgaduud joogaan.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa wacad ku maray in ay dagaalada sii wadayaan inta dalka laga saaro Cadowga isagoo farta ku fiiqay howlgalo dagaal oo xiriir ah oo ay ka bilaabeen gal-gaduud.
Hanjabada iyo guula sheegadka Alshabaab ayaa imaanaya xilli maydad gaaraya 20-ruux oo dares watay ay soo bandhigeen Saraakiisha Ahlu Sunnah kuwaasi oo lagu dilay dagaalkii maalin ka hor ka dhacay dhuusamareeb.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments