Alshabaab oo guul ka sheegatay qarax lala beegsaday Amisom.
Bartamaha (Muqdisho):- Ciidanka Amisom ayaa maanta lagu qarxiyay wadada Warshadaha Ee Magaalada Muqdisho.
Qarax la aaminsanyahay in uu ahaa mid wadada lagu sii diyaariyay ayaa duhurnimadii maanta Muqdisho lagula eegtay Ciidanka Amisom gaar ahaan Kuwa Burundi ee dagan wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho.
Ciidankaasi ayaa lagu qarxiyay Wadada markii ay ka soo bexeen dhismaha Kuliyada Jaale Siyaad oo ay saldhig ku leeyihiin waxaana qaraxaasi qasaara uu ka soo gaaray askarta Amisom sida warar xaqiiqda u dhow ay sheegayaan.
Saraakiisha Iclaamka Shabaabka ayaa Idaacadaha Muqdisho u sheegay in ay laayeen Ciidan Amisom ka tirsan xilli  maanta ay ku qarxiyeen wadada Warshadaha waxaana ragga shabaabka ah ee Idaacadaha la soo xariiray ay xaqiijiyeen in qaraxa uu ahaa mid Barakaysan.
Ciidanka la qarxiyay ayaa waxa ay fureen rasaas culus iyagoo Garneelo ku riday Dhismaha Gaashaandhiga oo ay alshabaab saldhig ku leeyihiin halkaasi oo dagaal kooban uu ka qaracay qaraxa ka dib.
Wadada Warshadaha ayaa muddo sacada ah u xernayd Askarta Amisom iyagoo halkaasi ka qaatay Burburka gaari si weyn qaraxa uu u haleelay kaasi oo la aaminsanyahay in waxyeela ay ka soo gaartay Ciidankaasi.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Amisom waxaana qaraxaasin uu imaanayaa xilli wadada warshadaha ay ahayd mid dhawaanahan dagan oo aanay si weyn u dareemin Ciidankaasi weerarada Islaamiyiinta.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments